| JAAMACADA MUQDISHO WAXAY U TAAGANTAHAYTACLIIN KUSALEYSAN CILMI IYO HORUMAR
Maahmaah soomaaliyeed ayaa tiraahda (hilin nin ku jooga ma habaabo ) jaamacada muqdisho waxay dalka soomaaliyeed ka hirgelisay tacliin ku saleysan cilmi iyo horumar ay asaageed ku hiigsaneyso gaareysana meesha uu aynigeedii gaaray, waana tankeentay inay horsed unoqoto in shacabka soomaaliyeed ay u ifiso intii karaankeeda ah dhanka cilmiga iyo horumarka.

Runtii wey adagtahay baa la,orankaraa xilliyada qaar ee la soomaray ama jahawareerkii xiligaas jiray inay ku fekeraan inay dalka soomaaliya ka hirgeliyaan tacliin balaaran oo ay dhalin badan oo ujeelqabta waxbarashado ama tacliin ay ka waraabaan, taasina waxay suurtagashay dhabar adeyga ay sameeyeen aqoonyahaniinta aasaasay jaamacada muqdisho waxaa xusuusin mudan hadal uuyiri Dr Cali Sheikh Axmed Abuubakar Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho ee ahaa ( in la hiigsado meesha larabo waxay ubaahantahay in loo dhabaradeygo hadii taasi lahello waxaa la,orankaraa waa lagu guuleystay ujeedadii loo danlahaa).
Hadalkaan waxa uu na tusayaa ama aan ka faa,iideysaneynaa in jaamacada muqdisho ay utaagantahay tacliin ku saleysan cilmi iyo horumar waxaa kaloo ay jaamacadu dhiiri gelineysaa howl kasta oo lagu hormarinayo dalka sidii uu lugihiisa isutaagi lahaa .
Jaamacada muqdisho waa inay wax ka qabataa howlaha dalka ka socda intii karaankeeda ah iyadoo u adeegsaneysa ama umareysa xaga cilmiga ayna shacabka soomaaliyeed uhorseedaa waxqabad dhab ah iyo daacad nimo ay ku dheehantahay run markaa waxaa lagaarayaa dal dhisan iyo dad horumaray oo wax la qeybsaday jaalkooda ama asaagooda .
Jaamacada muqdisho oo bilowday wax barashadeeda intii ay jirtay waxay horsed unoqotay inay mujtamaca soomaaliyeed usoo gudbiso waxbarasho tayo lehdadka iyo dalkana uhorseeday tacliin tayo leh laguna diirsaday.
Hilin ninkujoogaahi ma habaabo jaamacada muqdisho waxay ku joogtaa jidkii ay umari lahayd sidii dadkeeda iyo dalkeeda ugu saari lahayd jahliga iyo waxbarasho la,aanta.
|