HOME
President's Message
About MU
Faculties & Staff
Admission & Registration
Institutes & Centers
Research
Post-Graduate Program
MU Prospective Campus
Contact Information
WARAR


JAAMACADA MUQDISHO WAXAY ASTAAN BUUXDA UTAHAY HORSEEDKA WAXBARASHADA DALKA

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tiraahda “ cidna uma maqna ceelna uma qodna “bur burkii iyo dhibaatadii dalka ka dhacdaywaxay dhibaato gaarsiiyeen waxbarashadii dalka laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa jaamacad, wey adagtahay dhibkaas dhacay sidii markiiba loo agaasimi lahaa loona yagleeli lahaa waxaa is abaabulay oo oo isxilqaamay aqoonyahano soomaaliyeed oo garaystay inuu dalkooda ugu baahanyahay badbaadin waxaa la gareystay duruufta xilligaasi jirtay waxaa l;eysku soo hadalqaaday waxa ugu horeeyo oo lasameyn karo inay tahay sidii dalka soomaaliya looga abuuri lahaa wax barasho waxaa la, orankaraa waa lagu guuleystay.

waxaa is abaabulay aqoonyahano soomaaliyeed oomaanka gishtay inay dalkooda ka unkaan jaamacaddii ugu horeysay ee xilligii bur burka dalka laga sameeyo oo ahayd jaamacadii muqdisho.

In badan waxay la yaabaneyd in la furi karo jaamacad ayna bilaabato tacliin dadka bilaabayey tacliinta waxay is hordhigeen in la furayo dukaamadii oo ay dadka xaga cunadii bilaabeen miyeysan dadka isku dayi Karin inay iyada jaamacad la furo iyadoo ay wax barashada ka midtahay nolosha dadka sidaas ayey ku timid ama albaabada loo furay oo ay daraasadii bilaabatay 1997kii waxaana magaalada muqdisha u bidhaantay nolol ku dhisan horumar. Waxaana furmay xilligaas boqolaal iskuul oo kala gedisan oo ay iska diiwaan geliyeen kumanaan kun oo arday isugu jirta dugsi hoose dhexe iyo sareba ayna wada gaartay dalka oo dhan.

Jaamacada muqdisha waxay astaan buuxda unoqotay horseedka waxbarashada dalka,waxay bilowday waxbarashadeedii waxaa dhamaan dalka soomaaliya oo dhan isaga yimid dhalinta jecel wax barashada iyagoo ay ubilaabantay taasi waxay suurtagelisay in ardaygii ugu horeeyey uuhelay wax barasho macalinkii ugu horeeyeyna bilaabay darsigiisii ugu horeeyey oo uu arday wax ku barayo.

Jaamacada muqdisho waxay iftiimisay ama hormarisay dhinaca waxbarashada waxayna dalka uhorseeday nolol ay dadka soomaaliyeed ku soo hirtaan waxaa kale oo ay jaamacada muqdisho abuurtay sidii loo abaabulilahaa bulshadana ku tashato wax barida caruurtooda iskuna kalsoonaadaan ayna uqabanlahaayeen kaalinta kaga aadan sidii bulshada loo fahansiin lahaa loona heli laa waxbarasho ku saleysan nabadda iyo horumarinta dalka.

Jaamacada muqdisho waxay dadka soomaaliyeed ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku abuurtay kalsooni ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabankaraan taasna waxaa daliil u,ah markii ay jaamacada muqdisho la,arkay howsha baaxada leh ee ay bulshada soomaaliyeed uhayso ayaa dad badan waxay kaga daydeen xaga horumarkaas waxaana daliil unoqon kara dhinacyada ay jaamacada muqdisho ka shaqeyneysay sanadihii ugu danbeeyey:

  • waxbarasho tayo leh
  • gargaarka dadka dhibaateysan
  • tacliin kusaleysan waxay dadka aaminsanyihiin oo ah dhaqanka iyo qiyamka iyadoo maanka lagu haynayo inay tacliintaan qeyb weyn ka ciyaari kartoaduunkiisa iyo aakhiradiisa.

Gabagabadii waxaa la,orankaraa jaamacada muqdisho waxay astaan buuxda utahay horseedka waxbarashada dalka iyo sidii dadka soomaaliyeeday ugu fikiri lahaayeen inay noqdaan dad anfaca dalkooda iyo dadkooda si,loogaaro horumarkusaleysan guul,baraare iyo bulsho caafimaad qabta kaalinteedana ka qaadata horumarka aduunyada.

What is NEW?

MU Signs an Agreement with UNESCO PeerNEW

MU Admin Monthly Meeting NEW
MU Participates in African Capacity Enhancement Program (ACEP) WorkshopNEW
The Beginning of the Second Semester 2007/2008 NEW
Mogadishu University Examination Starts

Donation of Textbooks and References from UNESCO-PEER Mogadishu

The 10 th International Congress of Somali Studies in Djibouti

Young Women Scholarship Fundraising Luncheon:
An Overwhelming Success
The Results of the Fund Raising Luncheon of Somali Young Women Leadership Scholarships
PRESS RELEASE
Somali Young Women Leadership Scholarships
PRESS RELEASE
Home | About | Faculties & Staff | Admission & Registration | Institutes & Centers | Researches | Contact
Copyright © Mogadishu University