HOME
President's Message
About MU
Faculties & Staff
Admission & Registration
Institutes & Centers
Research
Post-Graduate Program
MU Prospective Campus
Contact Information
WARAR

KAALINTA AY WAXBARASHADA KA QAADATO DHISMAHA CAQLIGA BANI'AADAMKA

Waxbarashada waa jidka loomaro waxkasta oo la rabo in lagu gaaro wanaag, sabab too ah qofka waxaa laga ilaalinayaa waxkasta oo keeni kara jahli iyo aqoon daro. Labadaas hadii si dhab ah loogu guuleysto waxaa hagaagaya caqliga qofka bani'aadamka.

Waxaa la isweydiin karaa kaalinta ay waxbarashadu ka qaadato caqliga bani'aadamka iyo sida loo dhisi karo bani'aadam ayadoo loogu abuuri wanaaga. Oraah ayaa oraneysa caqliga wanaagsan waxa uu dadka gaarsiiyaa maqaam aad uweyn oo qofka Insaanka ah u suurta gelin karta inuu waxa wanaagsan iyo waxa xun uu kala garto, taasina waxaa ka saacideysa waxbarashada markii horeba uu ku soo barbaaray.

Dhismaha caqliga bani'aadamka hadii uusan hellin wax barasho ku filan side buu noqon karaa?, Waxbarashada waa shey qaali ah oo qiimo weyn ugu fadhida nolosha qofka bani'aadamka, taas oo gaarsiineysa mustaqbal aad usareeya kobcisana caqliga qofka.

Dhismaha caqliga bani'aadamka ka sokow, waxaa kale oo ay waxbarashadu ka qeybqaadan kartaa daminta colaadaha iyo u ololeynta nabada, maxaayeelay wax barashada waxay abuuri kartaa inay sameyso dhaqan nabadeed oo keeni kara qofka inuu yeesho ama ka dhismo caqli ka nadiif ah jahli iyo dhibaatooyin kale ee horseedi kara inuu la yimaado falala guracan iyo tixgelin la,aan oo sabab u noqon karta inuu u nuglaado jahli.

Daraasad la sameeyey kal hore, ayaa waxaa lagu ogaaday inay soo saarto wax barashada qof muwaadin ah oo dadkiisa iyo dalkiisa gaarsiiya horumar waxbarasho, bulsho iyo dhaqaale inta ba

Waxbarashada waa furaha mustaqbalka, sabab too ah waxaa la ogaaday inay wax barashadu wax badasho waana tijaabo lasameeyey laguna guuleystay. Waxaa wanaagsan inay cidwaliba xooga saarto sidii ay dadka wax u baranlahaayeen, markaas ayaa lahubaa in lagaari karo kaalinta ay waxbarashadu ka qaadato dhisida caqliga bani'aadamka iyo sida qof loogu abuuro wanaag dhinac kastaba.

Gabagabadii caqliga bani'aadamka waxa lagu dhiso waxaa ee ugu wanaagsan waa cilmi iyo aqoon, markaas ayaana lahubaa inuu ku talaabsan karo horumar aad ubalaaran oo keeni kara caqli fayoow oo keeni kara fakar aad u heersareeya. Oo wax ku tari kara dalkiisa iyo dadkiisa.

What is NEW?
MU Admin Monthly Meeting NEW
MU Participates in African Capacity Enhancement Program (ACEP) WorkshopNEW
The Beginning of the Second Semester 2007/2008 NEW
Mogadishu University Examination StartsNEW

Donation of Textbooks and References from UNESCO-PEER Mogadishu

The 10 th International Congress of Somali Studies in Djibouti

Young Women Scholarship Fundraising Luncheon:
An Overwhelming Success
The Results of the Fund Raising Luncheon of Somali Young Women Leadership Scholarships
PRESS RELEASE
Somali Young Women Leadership Scholarships
PRESS RELEASE
Home | About | Faculties & Staff | Admission & Registration | Institutes & Centers | Researches | Contact
Copyright © Mogadishu University