|
JAAMACADDA MUQDISHO OO BILOWDAY IMTAXAANKII 1AAD
Maalinimadii Sabtiga oo ay taariikhdu ku beegnayd 22/3/2008, ayaa dhamaan kuliyadaha iyo qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho u fariistay Imtaxaankii 1 aad ee Simistarka 2aad Sannadka 2007/2008 .
Imtaxaanka oo socon doona 1o maalmood , ayaa dhamaan qeybaha ardaydu si buuxda ugu fariisteen Imtaxaanka iyaga oo ay ka muuqato jawi farxadeed, filahayana in ay ku dhameystaan farxad.
Gudoomiye Ku-xigeenka Arrimaha waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Xassan Maxamed ayaa mahad ballaaran u jeediyey ardaydayda si geesinimada leh ee ay ugu dadaalaayaan waxbarshada iyagoo xiligan dalkeenu marayo duruufo culus, isagoo sidoo kale tilmaamay in waxbarshadu ay tahay tan looga bixi karo dhibaatadda laguna gaari karo horumar dhinac walba leh.
|