Xarunta Jaamacadda Muqdisho ee Bosaso oo Imtixaankii Finalka Simistrka 1aad ee 2009/2010 Soo Gaba Gabaysay
Ardayda Jaamacadda Muqdisho Campuska Bosaso ayaa waxa u dhamaaday imtixaankii finalka ee simisterka 1aad sanad waxbarashadeedka 2009/2010.
Xarunta Cusub jaamacadda muqdisho ee cusub waxa la dhisay sanadkii 2009 wuxayna waxbarashadu ka bilaabatay bishii sebtembar 2009 waana meel si aad ah loogu diyaaray oo ku haboon tacliinta sare ee jaamacadeed.
Campuska bosaso ee Jaamacdda muqdisho waxaa la furay 3/08/2008, waxayna lagu bilaabay waqtigaas sadax kuliyadood oo kala ahsharciga iyo qaanuunka, waxbarashada, iyo kuliyadda dhaqalaha iyo maamulka oo dhamaantood ka koobanaa takhasuyada: shari’a & law, social science, math & physics, Economics, Business Administration, Accounting iyo Public Adminstration.
Sanadkana waxa lgu soo kordhiyay kuliyadda compute science & information technology iyo barnaamijka daraasaadka sare ee takhasuska sharciga iyo qaanuunka, waxbarsda iyo maamulka iyo maaraynta,taas oo ay jaamacadda iska kaashadaan Umdurmaan Islamic University iyo Open University Malaysia.
Ardayda jaamacdda ayaa cabiray dareenkooda iyaga oo ku faraxsan, hurumarka ay ka sameeyeen dhinaca waxbarshada, waxay waalidiintooda iyo Maamulka Jaamacadda ugu mahadceliyeen diyaarintooda iyo dhimaha campuska wayn ee leh dhamaan adeegyada waxbarasho ee lagu diyaarayay campuska.
Gudoomiye Jaamacadda Muqdisho Professor. Cali Sheikh Ahmed ayaa ugu hambalyeeyay ardayda jaamacadda munaasabadda dhamaadka semestarka 1aad ee sandka 2009/2010 isga oo ka mahadceliyay dadaalka waxbarasho ee ay ardaydu muujiyeen mudadii ay jaamacadda waxka baranayeen kulana dardaarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooga.
Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dhamaan bahda jaamacadda, saaxiibdeeda iyo umadda soomaaliyeed guulaha ay gaartay jaamacadda muqdisho good ahaan iyo dhimaha xarumaha jaamacadda ee kukal yaall magaalooyinka Bossaso iyo muqdisho.
Jaamacadda Muqdisho oo la furay1997 waxa ay ka koobantahay 7 kulliyadood oo leh 20 takhasus iyo barnaamijka daraasaadka sare (Master degree iyo PhD), waxa ka qalin jabinay sanadkan dufcadii 10 aad.
Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad leh aqoonsi caalami ah kana mid ah 40-ka ugu horeeya Jaamacadaha Africa, xubinna ah daldaha Jaamacadeed ee caalamiga ah sida:
1. Midowga Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI).
2. Midawga Jaamacaddaha wadamada carabta. ( AARU)
3. Midawga jaamacadaha carabeed eee Khaaska ah
4. Raabidada jaamacadaha islaamiga ah
5. Midawga Jaamacadaha Afrika (AAU)
6. Midawga Jaamacadaha Caalamka ah (AIU).
Warar dheeri ah Fadlan booqo: www.mogadishuuniversity.com ama www.youtube.com/mogadishuuniversity