My Email 
Language Contact Us
MU in World University Ranking
MU e-Bulleting
Announcements
News
    Email To Friend   Generate PDF      Print this page   
Feb 2, 2010

Daraasadii Simistarka Labaad Ee Jaamacadda Muqdisho Oo Bilaabatay

Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/01/2010 u bilowday ardayda Jaamacadda Muqdisho daraasadii simistarka labaad ee sannad waxbarashadeedka 2009/2010.

Dhamaan ardayda kala gedisan ee ka diiwaangashan kulliyadaha Jaamacadda ayaa soo xaadiray fasaladii waxbarashada, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ay ku faraxsan yihiin bilaabashada simistarka 2aad ee sannadka iyo ku soo laabashada fasaladii kadib fasaxii ay soo qaateen ee dhamaadka simistarka 1aad.

Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Professor Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa munaasabadan owgeed waxuu hambalyo u diray dhamaan maamulka Jaamacadda Muqdisho, macaliinta, ardayda kala duwan ee Jaamacadda, waalidiinta iyo dhamaan bahweynta Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay horumar iyo mustaqbal wanaagsan.
Category: General
Posted by: admin
This page has been viewed 1436 times
News Archive | Staff Login | MU On MU OnMogadishu University