Guddoomiya jaamacadda Muqdisho, Professor Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa safar qaatay muddo shan maalmooda ah (12-18 April, 2012) ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Booqashada guddoomiyaha wuxuu ku soo kala bixiyay kulammo uu la yeeshay shakhsiy
1. Booqashada Jaamacadda Azhar
Iyada oo la qaddarinayo kaalinta Azhar ee faafinta diinta Islaamka ee dhexdhexaadka ah, ayuu Dr. Cali Sheekh Axmed, guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho ku tagay booqasho rasmi ah xarunta jaamacadda Azhar, wuxuuna la kulmay Sheekha Azhar, Professor Dr. Axmed Dayib. Dr. Cali wuxuu Azhar kaga mahad celiyay kaalinteeda ilaalinta diinta Islaamka, wuxuuna ka codsaday Imaamka Azhar in jaamacadda ay dib u furto machadayadii ay ku lahayd dalka Soomaaliya, loona oggolaado ardaydii hore in waxbarashadooda ay ka sii wataan jaamacadda Azhar. Dhanka kale, Imaamka Azhar wuxuu jaamacadda Muqdisho kaga mahadceliyay sidii wanaagsanayd oo ay u qeybisay kaalmadii caafimaad ee Azhar usoo dirtay shacabka Soomaaliyeed, dhammaadkii sannadkii hore, kolkii ay abaaruhu ku dhufteen Soomaaliya.
Labada dhinac waxay isla garteen in ay iska kaashtaan dhinacyada kala geddisan ee kasmooyinka iyo akadamiyada. Kulanka waxaa kasoo qayb galay madaxa jaamacadda Azhar, Professor Usaama Al-Cabdi, wuxuuna yiri " Imaamka weyn ee Azhar wuxuu soo saaray talooyin cad cad oo lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed oo maraya marxalad adag oo taariikhdiisa ka mid ah' wuxuuna intaa sii raaciyay in uu ixtiraam weyn u hayo Soomaalida, aradada Soomaalida ee Azhar wax ka baratana ay ku tilmaamanyihiin dhaqanka suubban ee Islaamka. Qado sharaftii lagu martigeliyay guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho waxaa kasoo qaybgalay wakiilka jaamacadda ee Masar, Mudane Cabdulqaadir Sheekh Bashiir.
2. Muxaadaro -Masjidka Jamciya Sharciya ee xaafadda Al-Maada
Dr Cali Sheekh Axme, guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho wuxuu muxaadaro ciwaankeeda yahay ‘Soomaaliya: shalay, maanta iyo berri' ka jeediyay masjidka Jamciya Sharciya, xaafadda Al-Maada ee Heliopolis. Waxaa kasoo qayb galay muxaadarada, dad fara badan oo ka mid ah jameecada masjidka iyo qaar ka mid ah ardadii ka qalin jebisay jaamacadda Muqdisho oo hadda darajada Master-ka iyo ta PhD-da ka diyaarineysa machadyada iyo jaamacadaha Masar. Professor Maxamed Al-Cabdi , madaxii wafdiga Azhar ee kol hore Soomaaliya booqday; Professor Mustafa Hindi iyo Professor Mustafa Jundi ayaa ka mid ahaa kasoo qayb galayaashii muxaadarada.
Professor Cali wuxuu carrabka ku adkeeyay xiriirka faca weyn ee Islaamka ka horreeyay oo u dhexeeyay labada shacab, Soomaaliya iyo Masar; wuxuu kaloo milicsaday xiriirka wanaagsan ee labada dawladood u dhexeeya; wuxuuna yiri " Waxaa jira isir reer Masar ah oo Soomaalida laga dhex helyo arrinkaana waan ku faanaynaa. Danaynta Masar arrimaha Soomaaliya ee kala duwan waxay tusaale u tahay xoogga xiriirka labada shacab." Inkasta oo uu Professor-ku rajo ka muujiyay arrinta Soomaaliya, haddana ma qarin sida uu uga xunyahay dhibtaada Soomaaliya iyadoo ah dal ku naalloonaya wax walba oo dad mideyn karay. Qudabadii kolkii ay dhamaatayna, jameecadii waxay gacan qaadeen Professor Cali oo ay sawirrona la galeen.
3. Kulan -Ururka Horumarinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh, wuxuu kaloo la kulmay maamulka Ururka Horumarinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed, isagoo ammaanay hawsha wacan oo ay hayaan, wuxuuna tilmaamay in Islaamka uu ahmiyad weyn siiyay qoyska; wuxuu kaloo sheegay Dr. Cali in ummadaha horumaray ay daryeel weyn siiyaan qoyska, dalkoodana ay ku hor mariyeen hawsha ISKAA WAX U QABSO AH. Dhanka kale, maamulka hay'adda ayaa Dr Cali uga mahadceliyay waqtiga uu siiyay.
4. Muxaadaro -Xarunta Geeska Afrika ee Horumarinta Dhaqanka
Xarunta Geeska Afrika ee Horumarinta Dhaqanka ayaa waxay soo agaasintay muxaadaro ciwaankeedu ahaa ‘Mas'uuliyadda qofeed iyo dhisidda bulshada Soomaaliyeed.' Dr. Cali wuxuu muxaadarada ka jeediyay hoolka Jamciyada Raabica Cadwiyah, dulucda muxaadaradana waxay ahayd ‘Xilkasnimada qofeed.' Waxaa kasoo qayb galay muxaadarada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qaahira deggan, ardada macahadyada iyo jaamacadaha Masar wax ka barata takhasusyada kala duwan.
Safarkii Dr. Cali Sheekh Axmed, guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho ee uu ku tagay Masar wuxuu ahaa mid guul leh oo lana soo dhaweeyay, dhan kastoo laga eego