Imtixaankii Usocday Ardeyda Jaamacada Muqdisho Oo Soo Gabagaboobay
Ardada waxkabarata jaamacada muqdisho kuliyadaheeda kala gedisan ayaa waxaa usoo gabagaboobay imtixaankii ugu danbeeyey ee simisterka labaad sanad waxbarashadeedka 2009-2010ee jaamacada muqdisho.
Imtixaankan oo socday muddo 10 cisho ah ayaa waxa uu soogaba gaboobay 07/06/2010 madaxa qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho Dr-maxamed xasan nuur ayaa waxa uu sheegay in uu maanta usoo gabagaboobay imtixaanaadkii usocday mudada 10 tobanka cisha ee usocday waxuuna sheegay in ay ugu dhamaatay si,guul ah wuxuuna ilaah ugu mahadceliyey sida uu ugu fududeeyey.
Dufcadaan imtixaanaadka ka qalinjebisay ayaa hayad dufcadii 10 aad waxayna imtixaanka ugu soogabagaboobay si, guul leh.
Dhanka kale waxaa hambalyo ku aadan dhameystirka ama gabagabeynta imtixaanaadka ujeediyey gudoomiyaha jaamacada muqdisho Dr-cali sh axmed abuubakar wuxuuna urajeeyey guul iyo inay siiwataan waxbarashadooda.
Imtixaankiina waxa uu ku soogabagaboobay jawi aad uwanaagsan.